Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Australian ee ku sugan xeebaha soomaliya ayaa sheeegay in ay gacanta ku dhigeen hub aad u fara badan oo lasoo waday Gudaha Soomaliya.
David Johnston, oo ah ku xigeenka Taliyaha Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Australian ee ku sugan Biyaha soomaliya ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen 2000 AK-47 kadib howlgal laga sameeyay xeebaha dalka Oman ee Bariga dhexe.
Waxa uu hadalkiisa ku daray David Johnston In ciidamada ay sidoo kale gacanta ku dhigeen 49-qori oo ah qoryaha darandooriga u dhaca oo lagu soo qariyay doomo kaluumaysi oo kusoo wajahnaa xeebaha soomaliya.
“Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan HMAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka dunida iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga.” Sidaa waxaa yiri Admiral Johnston.
David Johnston ayaa tilmaamay in ay suurta noqon karto in hubka ay gacanta ku dhigeen loo waday kooxaha dowlada soomaliya kasoo horjeeda sida xarakada al-shabaab oo ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka soomaliya.
Qaramada Midoobe ayaa horey soomaliya u saartay cunaqabateyn dhanka Hubka ah iyadoo maraakiibta dagaal ee ku sugan xeebaha soomaliya ay sidaan oo kale ay u qabteen doomo hub usoo waday xeebaha soomaliya.

