Dad careysan oo badan ayaa isku soo bax ka dhigay dalka Magaalooyinka dalka turkiga, qeybo badan, waxaana ay dadka intooda badan ay ka careysan yihiin xariga wargeyska zaman oo dowlada ay shalay xirtay.
Wargeyska zaman ayaa ahaa wargeys ay dadka si weyn u daalacan jireen waxana shalay xiray ciidamada booliska oo gudaha u galay wargeyska xaruntiisa oo ku taalay Magaalada Ankara.
Ciidamada booliska ayaa dadkaan dhigaya dibad baxa isku dayaya in ay kala ceeriyaan.
Wargeyska zaman ayaa kasoo horjeeday xukunka madaxweynaha dalka Turky-ga rajib urdgan.
Hay-ada u dooda suxufiyeenta dunidada ee CPJ ayaa cambaareysay xiritaanka wargeyska zaman oo ah wargeyska siyaasada ka faalooda.

