Maxkamada Ciidamada qalabka sida Qeybteeda 60-aad ayaa 5-sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamed Maxamed Abuukar oo lagu soo eedeeyay in uu horey ugu tirsanaa al-shabaab balse dhawaan isku soo dhiibay Dowlada soomaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 60aad Sheekh Aadan Maxamed ugu horeyn goobta ka sheegay in Maxamed Maxamed Abuukar lagu dhaqancelinayay xarunta Sarindi ee degmada Xamar Jajab,kadib markii uu kasoo goostay ciidamada al-shabaab balse markii dambe ka baxsaday kuna laabtay maleeshiyada Al-Shabaab.
Halkaan Hoose ka dhageyso

