Kadib Markii Xalay Saqdii Dhexe gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose lagu garaacay Madaafiic ayaa waxaa faahfaahinno dheeri ah ay kasoo kabaxayaan qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.
Madaafiicda oo intooda ugu badan ku dhacay Xaafadda Xaawa –taako oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla degmadaas ayaa waxaa ku dhaawacantay dad kor u dhaafaya 10-ruux kuwaasi oo uu soo gaaray dhaawac kala duwan oo ka dhashay Madaafiicda halkaasi kusoo dhacay xalay.
Dadkii ku dhaawacmay madaafiicda qaarkood oo wax looga qabanwaayey isbitaalka Degmada Afgooye ee Shabeelaha hoose ayaa loosoo qaaday Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho si halkaa xaaladdooda caafimaad wax looga qabto.
Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Weerarda Madaafiicda ah ee xalay ka dhacay Degmada Afgooye ayaa isagoo ku jira isbitaalka Degmada Afgooye la hadlay Radio Simba ayaa ka waramay Xaaladdiisa caafimaad.
Dhinaca mid ka mid ah dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Degmada Afgooye ayaa isna Idaacadda Simba u sheegay in la gaarsiiyey dadyoow qaba dhaawacyo kala duwan ka isbitaal ahaanna ay gurmad caafimaad ay u fidiyeen bukaanadii loo keenay.

