Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun dil ah ku ridday Xasan Xanafi Xaaji.

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo manta u fadhiisatay Dhagaysiga Dacwad ciqaabeedka loo heysto xasan xanafi xaaji oo ku eedeysan in uu Al-shabaab u qaabilsanaa Shir-qoolka Wariyaal badan oo lugu Dilay Magaalada Muqdisho iyo meela kale oo ka mid Dalka soomaliya ayaa manta xukun dil ah ku riday eedeysane xasan xanafi xaaji ka dib markii uu ku soo cadaaday danbiyada loo heystay.

xasan xanafi xaaji ayaa la sheegay in uu qirtay in uu wax ka ogaa dilal Wariyaal badan oo lugu dilay magaalada muqdisho isla markaan uu alshabaab u qaabilsanaa dilalka iyo dabalka Wariyaasha Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Xasan Cali Shuute oo ku dhawaaqey xukunka lugu riday Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Sheegay in xasan xanafi xaaji uu yahay danbiile ka danbeeyey dilalka Saxafiyeen badan oo qaar magacooda uu xusay sidaas darteedna Maxkamada Darajada Koowaad ay ku riday Xukun Dil ah.

xasan xanafi xaaji oo aha sarkaal la sheegay in Al-shabaab uu qaabilsanaa dhanka Warbaahinta ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay Ha’ayadaha sirdoonka dawladaha soomaaliya iyo Kenya iyada oo ugu dambeeyntiina xukun dil ah lagu xukumay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here