Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Ciidamada ahlusuna oo la wareegaan gacanta ku heynta Magaalada kadib markii xalay ay magaaladaas la wareegeen ciidamo uu hogaaminaayay sarkaal horey ugu tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Galgaduud.
Wadooyinka Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa haatan lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa maamulka Ahlusuna kadib markii habeenkii xalay ahaa ay Magaalada la wareegeen ciidamo uu hogaaminaayay sarkaal horey ugu tirsanaa ciidamada xoogga dalka soomaliyeed oo lagu magacaabo Liibaan madaxweyne.
Ciidanka Ahlu Sunna ayaa gurmad xoogan waxa ay ka heleen Magaalooyinka Guriceel iyo Xeraale oo ciidamo badan oo halkaasi ka ambabaxay ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb, taasina ay keentay in Magaalada dagaal looga saaro ciidankii uu hogaaminaayay Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).
Maamulka ahlusuna ee Gobolada dhexe ayaa wali ka hadlin qasaaraha ka dhashtay dagaalada xalay ilaa saakay ka socday Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka soomaliya.

