Waxaa magaalada arusha ee dalka Tanzania ka furmay shirweyne heer madaxweyne ah oo looga hadlaayo arrimo badan.
Madaxweynaha dalka kenya uhurro Kenyatta ayaa si uu kulanka uga qeyb qaato ugu duulay dalka Tanzania, waxaana horay dalka ugu sugnaa madaxweynaha Uganda yuweeri musafani madaxweynaha Tanzania iyo madaxweynaha dalka Rwanda.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya colaadaha ka jira dalka Burundi .
Madaxweynaha dalka uganda yuweeri musafani ayaa dalkiisa uu waday waan waan nabadeed oo lagu dhex dhexaadinayo sidii ay u hishiin la haayeen dhinacyada isku haya colaadaha dalka Burundi.
Waxaan la ogeyn ilaa iyo hada in madaxweynaha Burundi biyeeri nekrasuusa in uu kasoo qeyb galayo kulanka looga hadlayo colaadaha dalkiisa ka jira.
Ka sokoow colaadaha Burundi waxaa kaloo madaxda ay ka hadli doonaan sameesashada hal baasaboor oo ah mid ganacsi.
Baasaboorkaan oo horay ay dowladaha bariga afrika ay u balan qaadeen in la sameen doono ayaa la sheegay in uu fududeen doono ganacsiga dalalka bariga afrika oo hada kala xiran.

