Maamulka Galmudug ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamada Maamulkaas ay ka qeyb qaateen dagaalkii xalay ilaa saakay ka socday Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa maamulka galmudug in ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.
“ Waan maqleynay eedeynta lakin waxaan leenahay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, sargaal ciidamo gooni ah wata ayaa naloo sheegay in dagaalka uu qaaday balse anaga waxba kama ogin, mana jirto sabab aan u inkirno haddaan qayb ka nahay, maamulkeenuna diyaar uma ahan in dhuusa-marreeb ay dagaal ku aado, ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay.
Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay waxa uu dhanka kale sheegay in Magaalada dhuuso Mareeb ay tahay Magaalada caasimada u ah maamulka Galmudug aysan jirin sabab ay u weeraraan ciidamada maamulka Galmudug.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Max’uud aadan Cusmaan Masagawaay ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada dhuuso Mareeb in ay xabada joojiyaan isla markaana ay u turaan shacabka ku nool Magaalada dhuuso Mareeb.
Hadalka wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa imaanaya xilli xalay ilaa maanta ay dagaalo ka dheceen magaalada dhuusa-marreeb ee xarunta gobolka Galgaduud,

