Wararka aynu saakay ka halayno Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in saqdii dhexe ee xalay uu magaaladaas ka bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada ahlusuna waljameeca iyo sarkaal horey ugu tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya balse dhawaan isku dhiibay maamulka ahlusuna waljameeca.
Liibaan Madaxweyne sarkaal Lagu Magacaabo oo Horey ugu Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar xoogan ku qaaday xarunta Magaalada Dhuuso Mareeb iyo saldhiga Magaalada oo fariisimo u ah ciidamada ahlusuna waljameeca.
Dhawaqa rasaasta iyo hubka culus ayaa habeenkii xalay ahaa laga maqlayay Gudaha Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud oo ay isweedeersanayeen ciidamada la sheegay in uu hogaaminaayay Liibaan Madaxweyne iyo kuwa ahlusuna ee ka arimiya Magaalada Dhuuso Mareeb.
Warar aynu halayno ayaa tilmaamaya in ciidamada uu hogaaminaayo Liibaan Madaxweyne oo horey ugu tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa maamulka ahlusuna waljameeca ay isku qilaafeen waxyaabo badan taasina ay keentay in dagaal uu dhexmaro ciidamada ahlusuna iyo sarkaalka dhawaan kasoo goostay ciidamada dowlada soomaliya.
Magaaada Dhuuso mareeb ayaa saakay laga maqlayaaa dhawaqa rasaasta oo ay isweedaarsanayaan ciidamada ahlusuna iyo sarkaalka horey ugu tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya.
Lama ogo qasaaraha ka dhashtay dagaalka xalay ka dhacay Gudaha Magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.
Dhanka kale maamulka ahlusuna waljameeca ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo dagaalka ka dhacay Gudaha magaalada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

