Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyay Laanta afka soomali-ga ee Voa-da ayaa ka hadlaya weeraradii u dambeeyay ee Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho,
Axmed Macalin Fiqi Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka waxa uu sheegay in al-shabaab ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ka dareemaan gaabiska xaga amniga.
Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi waxa uu tilmaamay in meelaha qaar ay dowlada maamusho in ay ka jiraan habacsanaan dhanka amniga ah taasi ay keentay in al-shabaab ay weeraro ay ku soo qaadaan.
“Al-Shabaab fursad ayay heleen, labadii sano ee la soo dhaafay wax dagaal ah laguma qaadin, iyaga markii hore difaac ahaa, hadana ayaga weeraro soo qaadaya, waxay sanadkii u dambeeyay bilaabeen inay weeraraan xarumihii AMISOM”ayuu yiri Axmed Fiqi.
Dhanka kale Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi waxaa wax laga weydiiyay shirkii dhawaan lagu soo gab-gabeeyay Magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Jabuuti ee loogu hadlaayay xaaladaha amniga iyo xoojinta Howlgalka amisom iyo la dagaalanka al-shabaab.
“Amisom waxaa loogu baahan yahay in ay la timaado qorshayaal ay kaga hortagto al-shabaab sida al-shabaab ay u leeyihiin qorshayaal ay ugu fuliyaan weerarada dhaliya qasaaradaha dhimashada iyo dhaawaca ayuu yiri Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii dambe ay qaraxyo ay ka dhaceen magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

