Sirdoonka Kenya oo ka digay in Al-shabaab ay Weeraro Qorsheesan ka Fuliyaan Garoomada diyaaradaha

0

Laamaha amaanka ee sirdoonka dalka Kenya ayaa ka digay maanta in Al-shabaab ay qorsheenayaan  weeraro argagaxiso oo ay ka mid tahay kuwa is qarxin ah.

Sirdoonka Kenya ayaa digniin sare u gudbiyey dhamaan taliyaasha ciidanka oo ay quseyso sugida amaanka ee garoomada dalka sida garoonka jomo Kenyatta ee ku yaalo caasimada Nairobi.

“Waxaan ka war heynaa ilaa iyo 11 dagaal yahan oo al-shabaab ka mid ah kuwaasi oo loogu tababaray gudaha soomaaliya fulinta weeraro is qarxin ah oo laga fuliyo guud ahaan garoomada diyaaradaha ee dalka , kuwaasi oo la fulin rabo dhamaadka bishaan febraayo iyo bilowga bisha maarso ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saareen laamaha amaanka Kenya ee sirdoonka u qaabilsan”.

Madaxa amniga Kenya Eric Kiraithe ayaa isagana sheegay in Al-shabaab ay doonayaan in weeraro is qarxinta ah ay la eegtaan rakaabka diyaaradaha Kenya la socda , marka ay duulayaan amaba kasoo dagayaan garoomada .

Digniintaan cusub ayaa imaaneysa iyadoo dowlada kenya ay dhawaan ka war heshay muuqaal yutube-ka lasoo galiyey oo uu kasoo muuqday Ahmed Iman Ali oo ah kenyaan ka tirsan Al-shabaab kaasi oo muujinaya tirade ay kenya kaga dileen weerarkii ceel cadde.

Axmed ayaa muuqalkaan sidoo kale ugu hanjabay in ay qaadi doonaan weeraro qorshjeesan oo laga fulin rabo goobaha muhiimka ah ee dalka Kenya.

Horay ayaa dowlada Kenya ay Ahmed Iman Ali madaxiisa u dil dhigtay lacago gaaraya 300, oo million oo lacagta shilinka Kenya ah

Al-shabaab ayaa horay Gudaha Kenya kaga Fuliyay weeraro ay dad badani ku dhinteen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here