Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in amniga dalka iyo xarumaha muhiimka ee dowlada soomaliya lagu wareejiyo ciidamada dowada soomaliya.
Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo maanta dib ugu Laabtay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose kadib markii uu kasoo qeyb galay shirkii loogu hadlaayay siyaasada soomaliya ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga ayaa sheegay in xiligaan loo baahan yahay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidamada dowlada soomaliya.
“Arrinta amniga Soomaaliya waxaad moodaa maalmahan inay aad usii xumaaneyso oo faraha ay ka baxeyso, iyadoo ciidamo badan ay joogaan, oo qarashaad badan ku baxayo ayaa hadana amniga yahay mid faraha kasii baxayo, ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe waxa uu sheegay in Villa Soomaaliya oo ah madaxtooyada Soomaaliya in amnigeeda ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM, waxa uu sidoo kale sheegay in ay illaaliyaan baarlamaanka iyo meelo kale oo muhiim ah, taasi badalkeeda Axmed Maxamed Islaam waxa uu qabaa in ciidamada Soomaaliyeed lagu wareejiyo gabi ahaanba amniga goobaha muhiimka ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Juba-land ayaa madaxda dowlada soomaliya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan tayeynta ciidamada xoogga dalka soomaliyed si loogu maarmo ciidamada amisom.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Juba-land axmed Madoobe ayaa cambaareeyay weeraradii ka kala dhacay Magaalooyinka Muqisho iyo Baydhabo kuwaasi oo ay ku dhinteen dad shacab ahaa.

