Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda soomaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa maanta booqday isbitaalka madiino oo ay ku jiraan qaar kamid ah dadkii dadkii ku dhaawacmay weerarkii dhawaan ka dhacay Hoteelka Syl ee Magaalada Muqdisho.
Wasiir C/risaaq oo ay wahliyeen qaar kamid ah maamulka isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho ayaa mid mid u booqday dadka dhaawacyda ee jiifa isbitaalka isagoona kala sheekeystay xaaladahooda caafimaad .
Dhaqaatiirta caafimaad ee isbitaalka Madiino ayaa sidoo kale wasiirka ugu warbixiyay xaaladaha caafimaad ee dadkii kusoo dhaawacmay weerarkii dhaawaan ka dhacay Hoteelka syl ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka Madiina dadaalka ay u muujiyeen dadka bukaanada ah ee ku jira isbitaalka gaar ahaaan dadkii ugu dambeeyay ee qaraxyadii muqdisho ka dhacay ku dhaawacmay isagoo sheegay in qorshaha dowlada Soomaaliya uu yahay in ay qalabeyso isbitaalka Madiina.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Gudaha isbitaalka Madiino ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka soomaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha amniga dalka si loogu hortago qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.






