C/qaasim Salaad Xasan:- Ciqaab Rabbaani ah ayaa Soomaliya Haysato

0

Madaxweynihii hore ee soomaliya C/qaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa shacabka soomaliyeed ugu baaqay in alle ay baryaan si dalkooda u noqdo mid nabad ah.

Mudane C/qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii Hore ee soomaliya ayaa sheegay in umada soomaliyeed ay haysato ciqaab rabbaani ah looguna gudbi karo arintaas alle in la baryo si dalka ugu baxo colaada mudada soo jirtay iyo dhibaatooyinka ka dhaca dalka.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee soomaliya C/qaasim salaad xasan wuxuu ugu baaqay shacabka soomaliyeed in ay dib ugu laabtaan aqrinta qur’aanka kariimka si loogu baxo colaada iyo abaarta ka jirta qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here