Qaramada Midoobe oo Cambaareysay Qaraxii Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Qaramada  midoobe ayaa si kulul u cambaareysay maanta qaraxii xalay ka dhacay agagaarka hotel SYl ee magaalada muqdisho.

Xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya Unsom ayaa  si adag u cambaareyey qaraxaasi waxaana xafiiska war qoraal  ah oo uu soo saaray ku yiri:-

‘’Waxaan ka xunahay oo cambaareeneynaa qaraxaasi foosha xun, waxaan ehelada kuwii qaraxaasi ku dhintay u direynaa tacsi , inagoo la qeyb saneyna murugada ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya Unsom”.

Xalay ayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo rasaas lagu qaaday hotel SYL oo ku yaalo muqdisho waxaana weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 14 qof halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 25 ruux.

Al-shabaab ayaa sheegtay wax yar ka dib masuuliyada qaraxaasi dadka rayidka ah lagu dilay, ee ka dhacay Hoteelka Syl ee Magaalada Muqdisho, waxaana Al-shabaab ay horay hotelkaan SYL uga fuliyeen qarax ismiidaamin ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here