Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya aas qaran loogu sameeyay ilaa 4-askari oo ka tirsanaa ciidamada Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo xalay ku dhimatay weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee ka dhacay Hoteelka Syl.
Aaska waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin dowlada soomaliya ka tirsan sida Taliye ku-xigeenka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Kornayl Xaamud iyo taliyaha qeybta booliska ee gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre.
Taliye ku-xigeenka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Kornayl Xaamud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka maanta la aasay ay ahaayeen kuwa dalkooda difaacay isla markaana ay dhinteen xili ay al-shabaab weerar kusoo qaadeen hoteelka syl oo meel u dhow ay xarun ku lahaayeen ciidamada Nabad sugida.
Xalay ayay aheyd markii rag ka tirsan al-shabaab ay weerar qorshaysan oo qaraxyo lo adeegsaday ay ku qaadeen hoteelka syl iyo xarunta beerta Nabada.













