Dowlaha Soomaliya iyo turkey-ga ayaa kawada Hadlay markii Ugu horeysay xariga Qamar C/laahi Harawo. Oo kamid ah Hobolada Fannaaniinta Qaranka Hobolada Waaberi oo Magaalada Istanbul dhawaan Lagu xiray.
Xubno uu horkacaayay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, oo ka qeyb galay shirkii Lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Istanbul ee dalka turky-ga ayaa Khamiistii Magaalada Istanbul kula kulmay Saraakiisha Waaxda Garsoorka Turkiga, waxayna ka wada hadleen xariga Qamar C/laahi Harawo.
Saraakiisha Waaxda Garsoorka dalka Turkiga,ayaa ku wargaliyay xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed in fanaanada Qamar C/laahi Harawo. Lagu qabtay qaad xili ay kasoo dagatay garoonka Diyaaradaha Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.
Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, Wasiirkii Hore Arrimaha Garsoorka (Cadaaladda) Somaliya, ayaa ka codsaday dowlada Turky-ga in la fududeeyo kiiska fanaanada soomaliyeed, haddii ay macquul tahayna inta xarigeeda kaga harsan, ay ku dhameysato xabsi ku yaala Somaliya. Madaama ay tahay Fanaanad kasoo jeeda soomaliya ahna fanaanad qaran.
Dhawan ayay aheyd markii Qamar C/laahi Harawo. Oo kamid ah fanaaniinta soomaliyeed lagu xiray xabsi ku yaala Magaalada Istanbul xili laamaha amaanka Garoonka diyaaradaha dalkaas ay sheegeen in fanaanada lagu qabtay qaad.

