Dowlada Kenya ayaa lacago dul dhigtay madaxooda saraakiil ka tirsan xarakada al-shabaab oo weeraro ka fuliyay Magaalada Nairobi iyo magaalooyin hoos taga Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya.
Madaxa ciidamada Booliska Kenya Joseph Boinnet oo warbaahinta shir jaraaid ugu qabtay Magaalada Nairobi ayaa soo bandhigtay sawirada iyo magacayada 4-sarkaal oo ka tirsan al-shaabab oo lagu eedeeyay weeraro ka dhacay Magaalada Nairobi iyo Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya.
Magacyada ragaan ayaa lagu kala sheegay Abdullahi Issak, Idriss Issack, Ahmed Uweys iyo Mohamed Shide. Oo lagu eedeeyay weerar qorshaysan oo bihii November ee sanadkii 2014-ka lagu qaaday goob laga qodo kaawada oo ku taalay Mgaalada Mandheere weerarkaasi oo lagu dilay 28-shaqaale ka shaqeynayay kaawada.
Madaxa Booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in cidii keenta macluumad horseedi kara ragaan ay abaalmarin ahaan loo siin doono lacag gaareysa Sh8 million oo lacagta shilling Kenya ah oo dhiganta 20,000-kun oo dollar mareykanka ah.
“Waxaan aaminsanahay in ay helis ku yihiin amaanka dalka Kenya ayuu yiri Madaxa ciidamada Booliska Kenya Joseph Boinnet
Madaxda ciidamada Booliska Kenya waxa uu sidoo kale sheegay In ragaaan ay ka howlgalaan Magaalooyinka Mandheere iyo wajeer ee Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya iyo Magaalooyin ku yaala Gobolka Gedo.

