AMISOM ayaa iska fogeysay in ay ku guul dareesteen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab

0

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ahna Madaxa howlgalinta AMISOM Francisco Kitana Madero o la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacdda VOA-da ayaa ka waxaa uu ka hadlay armaha la xariira ka bixidda ciidamada AMISOM ee deegaanada qaar ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo waliba la dagaallanka Xarakada Al-shabaab.

Madera ayaa sheegay in sababaha keenay ka bixidda ciidamadooda ee deegaanada qaar ay tahay sababo uu ku macneeyey arimo Milatari islamarkaana aysan muhiim in wax la iska sii weydiiyo arinkaan sida uu hadalka u yiri.

Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalinta AMISOM ayaa Meesha ka saaray Wararka Sheegaya in ay ku fashilmeen la dagaallanka Xarakada Al-shabaab,Waxaa uu sheegay in ay leeyihiin awooddii ay kula dagaalami jireen Al-shabaab walina ay usii diyaarsanyihiin in ay lasii dagaalamaan tan iyo inta ay ka saarayaan deegaanadii laga qabsaday iyaga iyo kuwa ay Shabaabku horay u haysteen.

Maalmihii dambe Ciidamada AMISOM ayaa faarujinayey deegaanno ku yaalla koonfurta Soomaaliya ka dib markii weerarro qasaaro geystay ay dhawr mar ku qaadeen deegaanadaas dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here