Dan jiraha midowga afrika ee soomaaliya ahna madaxa ugu sareeya Howl-galka Amisom Ambassador Francisco Madeira, ayaa shir gudoomiyey kulan gaar ah oo maanta lagu qabtay magaalada Istanbul ee xarunta ganacsiga dalka turkiga.
Francisco Madeira waxaa shirka ku wehliyey taliyaal sare oo ka mid ah howl galka Amisom sida ku simaha taliyaha Amisom Maj. Gen. Mohammedesha Zeyinu, taliyaha ciidanka booliska Amisom Anand Pillay, madaxa xafiiska siyaasada Amisom Ssebirumbi Kisinziggo iyo saraakiil kale.
Waxaa shirka looga hadlay hormarinta ciidanka booliska Amisom, wada shaqeenta ciidamada ku mideysan howl galka Amisom iyo dar dar galinta la dagaalanka Al-shabaab.
Kulankaan oo uu shir gudoomiyey danjiraha midowga afrika ee soomaaliya Francisco Madeira ayaa waxaa kala qeyb qaatay madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud , madaxweynaha turkiga Recep Tayyip Erdogan, ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobe Jan Eliasson, oo kuwada sugnaa madashii kulanka lagu qabtay ee Istanbul.

