Raisulwasaaraha Soomaaliya oo la Kulmay Dhigiisa Dalka Turky-ga

0

Raisulwasaaraha  soomaaliya mudane Cumar C/rashiid cali sharmaake ayaa la kula kulmay magaalada Istanbul dhigiisa dalka turkiga axmed dafaatuglu.

Labada raisulwasaare ayaa wada qaatay  kulan gaar ah oo looga hadlaayay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya xukuumadaha soomaaliya iyo turkiga.

Raisul wasaaraha soomaaliya ayaa kulanka uu la qaatay , ayaa sigaar ah looga hadlay hormarinta ganacsiga soomaaliya, iyo dhisidi kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo muddo dheer burbursanaa.

Raisulwasaaraha soomaaliya iyo wafdi balaaran oo u badan golihiisa wasiirada ayaa shalay waxaa ay gaareen magaalda Istanbul halkaasi oo uu ka furmay shir weyne looga hadlaayo arrimaha soomaaliya.

Shirkaasi waxaa dowlada soomaaliya kala qeyb galaya 50 wadan oo daneeya arrimaha soomaaliya, iyo 12 hay-ad oo caalami ah oo shirka Istanbul qeyb ka ah.

Dowlada turkiga ayaa sanadihii dambe ka qeyb qaadaneysay horka soomaaliya, waxaana madaxda ugu sareysa dowlada turkiga ay horay u soo gaareen soomaaliya sida madaxweyne urdugan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here