Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi baalaran uu Hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb gali doona shir Maalinta bari ah oo tariikhdana ay ku beegan Tahay 23-ka ka Furmi doona Magaalada Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga kaasi loogu Hadlaayo aayaha dalka soomaliya.
Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga waxaa xiligaan ku sugan qaar kamid ah Madaxda soomalida Sida Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke, iyo Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, juba-land Wallow madaxweynaha maamulka Puntland uu wali ka biya diidan yahay tagi Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga .

