Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in deegaankaas uu ka socdo Howlgalo baaritaano ah sameynayaan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopi ee qeybta ka ah Amisom.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in deegaanka Gabi-ahaanba lagu soo rogay Bandow kaasi oo soo bilowday habeenkii xalay ahaa.
Dhaqdhaqaaaqa dadka iyo gadiidka deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hakad ku jira waxaana Magaalada Lagu arkayaa kaliyah ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia.
Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlada soomaliya aynu la xiriirnay ayaa ka gaab-saday in ay ka hadlaan arintaan.

