Hogaamiyaha ugu Weyn ee Mucaaradka Uganda oo Mar kale Xabsiga la Dhigay

0

Ciidamada booliska dalka Uganda  ayaa soo xiray mar kale hogaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye xili ay ka soo qabteen xarunta xisbigiisa oo ku taalo magaalada kamoala ee xarunta yugandha.

Taageerayaashiisa ayaa xalay guriga Kizza Besigye buux dhaafiyey , waxaana shalay Kizza Besigye  uu sheegay in uusan ku qancin doorashada madaxtinimo ee Uganda habka loo shaaciyey , isagoona dalbaday in lasameeyo baaritaano cusub oo muujinayo hanaanka loo qabtay doorashadaasi.

Dhanka kale Dowlada ayaa Kizza Besigye  hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ku eedeeysay in Bisha march ee soo socota  uu taageera yaal taabacsan u sheegay in ay dibad baxyo looga soo horjeedo doorashadaasi ay ka dhigaan guud ahaan dalka .

Gudiga doorashada ayaa yuweeri u doortay madaxweynaha Uganda maadaama uu helay codod dhan 60% halka Kizza Besigye  uu keensaday 30%.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here