Dowlada Kenya oo ka Hadashay Sababtii Saacadaha kooban loo Xayiray Wafdiga Raisulwasaaraha Soomaliya

0

Laamaha amaanka Garoonka diyaaradaha jomo Kenyatta International Airport  ee Magalada Nairobi ayaa ka  hadlay sababtii loo xiray Wafdiga Raisulwasaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid  Cali sharmarke oo kusii jeeday Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga oo dhawaan shir uu ka furmi doono.

Waxa ay sheegeen laamaha amaanka jomo Kenyatta International Airport. In diyaaradii siday wafdiga Raisulwasaaraha soomaliya ay si toos ugu so dagatay garoonka jomo Kenyatta iyadoo kasoo gudubtay garoonka Magaalada wajeer oo ah halka lagu soo baaro diyaaradaha inta aysan soo gaarinka Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Qaar kamid ah Laamaha amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Nairobi ayaa Raisulwasaaha iyo wafdigiisa ku wargaliyay In ay dib ugu laabtaan Garoonka Magaalada Muqdisho. halka kuwa kalana ay ku wargaliyeen in ay dib ugu laabtaan garoonka Magaalada wajeer ayna soo maraan baaritaanka sharciga.

Muran badan kadib wafdiga Raisulwasaaraha ayaa la isku af-gartay in lagu baaro xarunta CiD-ga ee Isla Garoonka diyaaradaha jomo Kenyatta International Airport  ee Magaalada Nairobi oo muddo 4-saacadood kadib wafdiga raisulwasaaraha loo ogolaaday in ay galaan gudaha Magaalada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here