Wax ka ogow Xidigaha uu lasoo Wareegayo Macalin Simeone haduu Chelsea Qabto

0

Macalinka kooxda athletic Madrid Diego Simeone ayaa sheegay in uu lasoo wareegi doono xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Ivan Rakitic marka uu qabto shaqada kooxda Chelsea sida lagu daabacay Don Balon.

Nin argentine ayaa la aaminsan yahay in uu noqon doono macalinka cusub ee kooxda Chelsea xili ciyaareedka soo socda kadib markii bishii dacember shaqada kooxda Chelsea laga ceyriyay macalin Jose Morinho.

Diego Simeone ayaa sidoo kale sheegay in uu bartilmaameed ka dhigan doono xidigaha Marco Reus iyo Edinson Cavani oo kamid ah xidigaha loogu doonista badan dhanka suuqa kala iibsiga qaarada Yurub.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here