Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah su’aalo weydiinta wasiirka arrimaha Dibada xukuumada soomaliya C/salaam Hadliye cumar iyo su’aalo mar kale dib loo weydiin doono wasiirka amniga Gudaha C/risaaq cumar Maxamed iyo Taliyaha Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka C/raxmaan Tuur Yare.
Habdhowraha Baarlamanka soomaliya xildhibaan maxamed Cumar aynu la xiriirnay ayaa sheegay in kulanka maanta ee baarlamanka soomaliya uu jiro isla markaan muhiimada la siin doono su’aalo weydiinta wasiirka arrimaha dibada xukuumada soomaliya oo qaar kamid ah mudanayaasha baarlamnka soomaliya ay ku eedeeyeen in uu wax ka ogaa in la baaro xildhibaanada marka ay u dhoofayaan dalka dibadiisa.
Dhawaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari uu ka horsheegay xildhibaanada hortooyada In maanta oo sabti uu hor imaan doono wasiirka arrimaha dibada soomaliya C/salaam Hadliye cumar si su’aalo loo weydiiyo.

