Saraakiisha Ciidamada Uganda oo Sheegay in Ciidankooda ay dileen Saraakiil al-shabaab Ka Tirsanaa

0

Saraakiil u hadashay ciidanka Uganda ee ka midka ah howl galka Amisom laguna magacaabo Flavia Terimulungi ayaa sheegtay in weerarka hore  oo ciidankooda ay qaadeen ay ku dileen gudoomiyihii degmada Qoryooleey oo lagu magacaabo Maxamed Farwar, waxaana ay intaasi ku daray in magaalada lagu dilay hogaamiyahaasi qoryooleey ay  120km dhanka koonfur galbeed ay ka xigto magaalada Mogadishu.

Flavia Terimulungi waa madaxa xiriirka dadweynaha ciidanka Uganda , waxaa kaloo uu sheegtay in ay weerar labaad ku dileen Abuu C/raxmaan Pakeli  oo ahaa sargaal sare oo Al-shabaab ugu xil saarnaa dagaal yahanadooda galinta dagaalada iyo weerarada qorsheesan ee loogeesto ciidanka Amisom.

Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in Al-shabaab ayisbuucii hore ay isku dayeen iney weerar ku qaadaan saldhiga ciidamada Uganda ay  ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada hoose  hasa ahaatee ciidamada ay iska difaaceen kana hortageen weerarkaasi.

Brig. Sam Okiding waa tliyaha ciidanka Uganda ee soomaalia, waxaa uu sheegay in sargaalka labaad ee la dilay laguna magacaabo Abuu C/raxmaan Pakeli  uu ka dambeeyey weerarkii ciidanka Uganda looga dilay askar ka badan 50 askari hadana uu doonayey in uu weeraro ku qaado saddex saldhig oo ciidanka Uganda ay kaga sugan yihiin magaalooyinka Marka, Qoryooley iyo Buulo Marer oo dhamaan hoos taga gobolka shabeelada hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here