Diyaaradaha dowlada mareykanka ayaa maanta duqeyn ka fuliyay dalka Labiya iyadoona la shaaciyay in duqeyntaas lagu dilay Hogaamiye ka tirsana kooxda daacish oo kasoo jeeda asal ahaan dalka Tunusia ee qaarada Africa.
Xogag laga helaayo Malatariga Mareykanka ayaa ku waramaya in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen Hogaamiyii kooxda Daacish ee dalka Libiya Noureddine Chouchane, oo laga eedeeyay in uu horey ugu dambeeyay dilal loo geystay muwaadiniin u dhalatay dalka Ingiriiska.
Dad ku nool halka ay duqeynta ka dhacday ayaa wakaalada wararka AFP news u sheegay in duqeynta ay inta badan lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen hogaamiyaal ka tirsan kooxda daacish.
Dowlada Mareykanka gaar ahaan waaxda Pentagon waxa ay sidoo kale sheegtay in Noureddine Chouchane, uu maleegay dilal badan oo loo geystay dad u dhashtay dalka Ingiriiska oo si dalxiis ahaan u joogay dalka Libiya.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Sabratha oo 70-km u jirta caasimada dalka Libiya ee Tripoli waana xuduudka ay wadaagaan dalalka Tunusia iyo Libiya.

