Maanta oo khamiis ah shacabka ku dhaqan dalka Uganda ayaa u dareeray koobaha cod bixinta si ay usoo doortaan hogaamiyaha dalka Uganda 5 sano ee soo socata
Goobaha cod bixinta dalka Uganda ayaa al-baabada loo furay saaka saacada markay aheyd 7:00am waxaana codkooda dhiibanaya dad gaaraya 15,280,000 kuwaa oo u diiwan gashan gudiga doorashada dalkaasi
Doorashada Uganda waxaa ku tartamaya 6 xubnood waxaana ugu cad cad madaxweynaha dalkaas ee hada yueri musafni iyo musharaxa xisbiga mucaaradka dalkaaasi kiza.
Shacabka ku dhaqaan magaaloyinka dalka ayaana u dareeray goobaha cod bixinta ilaa hadana ma jiro wax qala laaso ah oo ka dhacay dalkaasi marka laga reebo weerar bambaano oo xalay ka dhacay xaafada somalida ku badantahay ee kasenyo oo xalay bam lagu weeraray goob ay bulshada iskugu timid
Waxaana ka dhashay weerarkaasi qasaaro dhaawac iyadoona dadkii waxyeelada soo gaartay loo qaaday isbitaalka magalada kampala oo xaaladooda lagu dabiibayo.

