Ordugan  oo si kulul uga Hadlay Weerarkii Ankara Sheegayna in dowladiisa ay ka jawaab Celin doonto

0
Turkey's Prime Minister and presidential candidate Tayyip Erdogan makes a speech during a meeting to launch his election campaign in Istanbul July 11, 2014. REUTERS/Murad Sezer (TURKEY - Tags: POLITICS ELECTIONS) - RTR3Y72V

Madaxweynaha dalka turkiga rajab dayib ordugan oo la hadlayey jariidad kasoo baxda Ankara ayaa si kulul uga hadlay weerarkii dhaliyey dhimashada 28 qofood iyo dhaawaca 61 kale ee ka dhacay Ankara

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladiisa ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkaas isla markaana ay weerari doonaan saldhigyada ay kooxaha bkk iyo daacish ku leeyihiin gudaha turkiga iyo meelaha ka baxsan.

“waxan qaadi doonaa tilaaba walba oo aan ku difaaceyno nafteena iyo hantideena waqti walba meel walba iyo munaasabad walba oo ay ku suganyihiin ciidanka turkiga waxay diyaar u yihiin la dagaalanka argagixisada mana u dulqaadan doono dhibaatooyinka ay kooxaha xag jirka ka geysanayaan turkiga “

Kolonyo ciidan oo ka tirsan melatariga turkiga ayaa lala beegsaday qarax` loo adeegsaday gaari xili ay gudaha u galayeen xarun ciidanka melatariga uu ku leeyahay magaalada Ankara.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here