Madaxweynaha Soomaliya oo ka Qeyb galay Soo Dhaweyn loo Sameeyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka 11-sano jirada

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay soo dhaweyn garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan  cadde loogu sameeyay  Ciyaartoyda xulka qaranka 11 sano jirada oo dalka Qatar ugu qeybgalay tartanka kubadda cagta ee dugsiyada wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ku soo laabtay dalka.

Soo dhaweynta Ciyaartoyda xulka qaranka 11 sano jirada ee Soomaaliya waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro dowlaha waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur, kaasi oo Madaxweynaha soomaliya warbixin kasiiyay qaabka ay wasaarada waxbarashada soomaliya u abaabushay ciyaartooydii ka qeyb galaysay tartankaas.

Dhanka kale Madaxweynaha Jahmuuriyada Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo ka hadlay soo dhaweynta ciyaartooda da’yarta ayaa sheegay in dowlada soomaliya ay si weyn usoo dhaweynayso ciyaartooda yar yar iyo guulihii ay kasoo hooyeen tartankii Jeem Cup oo lagu qabtay dalka  Qatar.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowlada soomaliya ay dhiiri galin midaan ka weyn ay u sameyn doonto Ciyaartoyda xulka qaranka 11 sano jirada ee Soomaaliya oo dalka Qatar ugu qeybgalay tartanka kubadda cagta ee dugsiyada wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ku soo laabtay dalka.

Intaas kadib ciyaartoyda yar yar  ayaa loo galbiyay xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta, Soomaliyeed waxaana halkaasi loogu qabtay xaflad soo dhaweyn aheyd. oo heeso iyo dhiiri  ay kusoo bandhigeen kooxda Iftin ee wasaaradda waxbarashada xukuumada Fedraalka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here