Al-shabaab oo Beeniyay in duqeyn Diyaaradeed lagu dilay Madaxii Sirdoonka

0

Xarakada al-shabaab ayaa beenisay war maanta kasoo baxay dowlada Kenya oo lagu sheegay In duqeyn diyaaradeed lagu dilay madaxii sirdoonka al-shabaab Mahad Karatey.

Warka kasoo baxay Xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in aysan jirin duqeyn lagu dilay rag ka tirsan al-shabaab sida madaxii sirdoonka al-shabaab  waxaana warka dowlada Kenya lagu tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

“Dhammaan askarta iyo saraakiisha al-shabaab  way bad qabaan, majiraan wax duqeyn ah oo ka dhacay deeganada  Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya oo lagu dilay saraakiil xarakada Shabaabab katirsan”ayaa lagu yiray warka al-shabaab.

Warka  al-shabaab  kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya xili dowlada Kenya ay maanta shaacisay In ay duqeyn diyaaradeed ku dishay  madaxii sirdoonka al-shabaab Mahad Karatey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here