Wasiirka Arrimaha Dibada oo  Mar kale lagu Wargaliyay in uu Horyimaado Baarlamanka Soomaliya

0

Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ayaa  mar kale ku wargaliyay wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda soomaliya C/salaam Hadliye cumar in uu hor yimaado xildhibaanada baarlamanka soomaliya Maalinta sabtida ee soo socota.

Mudane Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari oo gaba-gabada kulankii shalay hadal ka jeediyay ayaa mar kale ku wargaliyay wasiirka arrimaha dibada xukuumada soomaliya C/salaam hadliye In uu hor yimaado mudanaasha baarlamanka soomaliya hortooda si wax loogu weydiiyo su’aalo la xiriira In xadgudubyo lagu sameeyay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamanka soomaliya oo ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari ayaa sidoo kale  sheegay in wasiirka uu usoo Gudbiyay warqad codsi ah uu ku dalbanayo in dib loo dhigo hor imaanshaha xildhibaanada baarlamanka soomaliya Taasina ay ka aqbaleyn wasiirka.

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa xadgudub ku tilmaamay baaritaano lagu sameeyay tiro xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamanka soomaliya.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here