Daawo:- Wariye Caan ahaa oo ku Geeriyooday Magaalada Qaahira ee dalka Masar+Tariikhdiisa

0

Maxamed Xasaneey heykal  waxa uu ahaa wariye caan ah oo  si weyn looga  yaqaanay gudaha dalka masar iyo dunidaba, waxaa kaloo uu ahaa qabiir si weyn u falan qeeya siyaasadda masar iyo mida dunida ka jirta.

saxafiga weyn waxaa uu madax ka soo noqday talafashino, warbaahin gaar loo leeyahay oo gudaha masar ka dhisan mudada uu shaqeenayey, marka laga reebo talafashinka qaranka masar uu ka ahaa agaasimihii guud.

Waxa uu maanta oo arbaca ah ku geeriyooday dalka masar xili ay da,diisu aheyd 92 sano jir.

Talafashinka qaranka dalka Masar oo uu ka soo shaqeeyey ayaa baahiyey in uu ahaa maxamed nin aad u caba sigaarka taasi oo loo aaneenayo in uu u xanuun saday waxyeelada ka soo gaartay sigaarka , waxaana talafashinka qaranka masar uu intaasi ku daray in muda yar uu xanuun sanaa suxufiga.

Heykal waxaa uu dhashay bishii  September 23-dii sanadkii 1923, waxaa uu ku dhashay magaalada Nile Delta ee xarunta gobolka Qalyubia.

Aabihiis Haykal,  ayaa waxaa ugu weynaa ilmihiisa ama curud u ahaa wariyaha caanka ah ee geeriyooday maxamed xasaneey haykal .

Aqoontiisa waxa uu kasoo bartay jaamacada American University ee ku taala magaalada qaahira ee xarunta dalka masar.

Waxaa uu ahaa qoraagii wargeyska kasoo baxa masar  ee wax ka qora arrimaha dambiyada sanadkii 1943, sidoo kale waxaa uu gudaha dalka masar kala soo shaqeeyey qoraayashii ugu caan sanaa Britain ee kala ahaa George Orwell iyo Lawrence Durrell.

Sanad ka dib 1944-tii waxaa uu ku biiray siyaasada waxaana uu ka mid noqday shaqaalihii xisbiga mucaaradka masar ee Rose El-Youssef, .

Dhanka kale maxamed xasaneey haykal  waxaa uu ku guuleystay qoraagii ugu dareenka badnaa ee wax ka qoray dagaalkii carabta iyo yahuuda u dhaxeeyey ee dhacay sanadkii 1948-dii , ka dibna waxaa uu qoray warbixin kooban oo ku aadan dagaalkii labada kuuriya ee dhxmaray sanadkii 1950 ilaa iyo 1953-dii.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here