Xoghayihii Hore ee Qaramada Midoobe Boutros Boutros-Ghali oo Magaalada Qaahira ku Geeriyooday

0

Waxaa Maanta Magaalada Qaahira ee dalka Masar ku geeriyooday Boutros Boutros-Ghali, Xoghayihii  hore ee Qaramada Midoobe.

Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe, Rafael Dario Ramirez Carreno, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida ku timid Boutros Boutros-Ghali, oo kamid ahaa xoghayaashii qaramada Midoobe shaqada kasoo qabtay.

Rafael Dario Ramirez Carreno waxa uu sheegay in Mudane Boutros Boutros-Ghali, todobaadkii aynu soo dhaafnay la dhigay isbitaal ku yaala Magaalada qaahira kadib markii uu ka  jabay miskaha.

Mudane Boutros Boutros-Ghali, ayaa soo noqday xoghayihii Guud ee qaramada sanadkii 992-kii illaa 1996-kii. Markaas kadib uu xilka la wareegay Dr Kofi anan oo u dhashay dalka Ghana ee qaarada Africa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here