Kaptanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa la dhacsan soo laabashada xidiga weerarka ka ciyaara ee Daniel Sturridge isagoona aaminsan in soo laabashadiisa ay wax badan u qaban doono kooxda.
Daniel Sturridge ayaa markii ugu horeysay kooxda Liverpool kasoo muuqday tan iyo bishii October oo dhaawac uu soo gaaray xidiga wuxuuna dhaliyay goolkiisa ugu horeeyay xili ay ka horatageen kooxda Aston Villa.
26jirka heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska ayaa mudooyinkii Dambe dhaawacyo kooxda kaga maqnaa waxayna kooxda la walaacsaneen dhaawaca soo laablaabtay ee soo gaaray xidiga.
Jordan Henderson oo ah Hogaamiyaha kooxda Liverpool ayaa aaminsan in soo laabashada wanaagsan ay tahay soo laabashada xidiga Daniel Sturridge.

