Dhageyso:-Baarlamanka Soomaliya oo Su’aalo Weydiiyay Wasiirada Difaaca iyo Amniga

0

Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeeshteen xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.

Furitaanka kulanka baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaanada loogu akhriyay mooshinka loogu yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya, waxaana mooshinkaasi akhrisay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd Xildhibaanada ku saxiixnaa mooshinka oo sheegtay in mooshinka uu ku saabsanaa u yeeridda Wasiirada Amniga, Cadaaladda, Gaashaandhigga, iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo ka tirsan guddiga amniga Qaranka.

Intaas kadib xildhibaada baarlamanka soomaliya ayaa guda-galay su’aalo weydiinta wasiirada loogu yeeray kulanka baarlamanka soomaliya ee Maanta.

44 Mudane ayaa iska qoray In ay su’aalo weydiiyaan  wasiirka amniga Gudaha xukuumada soomaliya C/risaaq cumar Maxamed kuwaasi oo u badnaa baaritaano dhawaan lagu sameeyay qaar kamid ah xildhibaanada Soomaliya Balse waxaa su’aalaha la xiriira arintaas  weydiiyay 37-mudane.

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inaysan jirin wax amar ah oo ay Wasaaraddu ku bixisay in la baaro Xildhibaannada, waxaana uu intaa ku daray in haddii ay jiraan waxqalad ah oo mudanayaasha lagula kacay wax laga qaban doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gaba-gabada kulanka ka hadlay ayaa xildhibaanada baarlamanka soomaliya ka codsaday in ay laamaha amaanka gacan xoogan ku siiyaan sugida amniga marka ay tagaan goobahaas ay arimahaas ka dhacaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in aan lagu xadgudbi Karin xasaanada Mudanayaasha baarlamanka soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here