Xarakada al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada dilkii shalay loo geystay mas’uul xil horey ugu soo qabtay dowladihii dalka soo maraya.
War kasoo baxaya xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakada al-shabaab ay ku guuleysteen qaarijinta mas’uul u shaqeynayay sida warka loo dhigay dowladaha kusoo duulay soomaliya.
Shalay ayay aheyd markii qarax gaarigiisa loogu xiray wasiirkii Hore ee gaashaandhiga xukuumadii Nuur xasan Xuseen Nuur Cadde uu ku geeriyooday xili falkaas uu ka dhacay Gudaha degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta dowlada soomaliya oo ka hadlay dilka wasiirkii Hore ee gaashaandhiga xukuumadaii Nuur cadde ayaa laamaha amaanka ku wargaliyay in gacanta lagu soo dhigo ragii ka dambeeyay dilkaas.

