Baarlamanka Soomaliya oo daah Furis Ku Sameynaya Qeybta koowaad ee Qodobo ka Mid ah Dastuurka Kmg-ka

0

Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa waxa ay ku yeelan doonaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.

Kulanka maanta ee xildhibaanada baarlamanka soomaliya waxaa loogu hadli doonaa daah furis lagu sameynayo qeybta koowaad ee qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah ee dalka oo dhawaan dib eegis lagu sameeyay.

Maxamed cumar Maxamuud oo ah habdhowraha baarlamanka soomaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka maanta diirada lagu saari doono daah furista qeybta koowaad ee soo jeedinta dib u eegista dastuurka, kaasi oo ay si wada jir ah u soo diyaariyeen Guddiga baarlamaanka u qaabilsan dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka KMG ah.

Dhanka kale Kulanka maanta waxaa kasoo qeyb galaya qaar kamid ah Gudoomiyaasha baarlamaanada Maamulka Goboleedyada dalka soomaliya ka jira sida Juba-land, Galmudug, koonfur Galbeed soomaliya iyo puntland oo kulanka lagu marti-qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here