Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Juan Mata ayaa waxa uu Bartilmaameed u yahay 3-koox oo ka ciyaara Horyaalka dalka shiinaha ee Chinese Super League sida maanta lagu daabacay Majalada Sunday People.
Horyaalka dalka shiinaha ee Chinese Super League waxaa xili ciyaareedkaan u dhaqaaqay xidigO tayo wanaagsan kuwaasi oo bandhig wanaagsan ka sameeyay Horyaalada talyaaniga , ingiriiska iyo kuwa Kale .
Mata ayaa losoo bandhigay Lacago gaaraya £170,000 uu todobaadkii ka qaadan doono kooxaha dalka Shiinaha oo aad ula dhacsan qaab ciyaareedka xidiga heerka caalami ee xulka dalka Spain ee ee juan Mata.

