Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xildhibaanada ka maqan kulmada Baarlamanka Maamulka Galmudug In ay kasoo qeyb galaan si loo amba qaado howlo badan oo horyaala Xildhibaanada.
Mudane Cali Gacal Casir ayaa sheegay in howlo badan ay xiligaan horyaalaan xildhibaanada baarlamanka Maamulka Galmudug sidaas darteedna loogu baahan yahay xildhibaanada ka maqan kulamada baarlamanka in ay kasoo qeyb galaan.
Dhanka xildhibaanada ka Tirsan baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa wada mooshin ka dhan maamul dhawaan uu Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ugu dhawaaqay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Maamulkaas oo ay ku tilmaameen mid aysan ku qanacsaneen dadka kasoo jeeda degmada Hobyo.

