Goolal la’aantiii Haysatay Xidiga Edin Dzeko oo soo dhamaatay

0

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Roma Radja Nainggolan ayaa aaminsan in ay soo dhamaatay baahidii goolal la’aanta haysatay xidiga Edin Dzeko kadib gool uu ka dhaliyay kooxda Carpi. Kulan xalay dhacay.

Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Bosnia ayaa dhaliyay gool uu caawiyay laacibka ay leedahay naadiga Chelsea ee Mohamed Salah’ daqiiadii 84-aad taasi oo ka dhigan in Dzeko oo dhaliyay goolkiisa ugu horeeyay tan iyo bishii November.

Qadka dhexe ee kooxda Roma iyo xulka dalka Belgium-ka Radja Nainggolan oo saxaafada la hadlay kadib guusha ayaa sheegay in laacibkii Hore ee kooxda Manchester City Dzeko uu yahay mid soo gaba-gabeeyay goolal la’aantii haysatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here