Wararka naga soo gaaraya degmada degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Gudaha degmadaas habeenkii xalay ahaa lagu dilay haweeney kamid aheyd dadka deegaanka degmada afgooye.
Nin ku hubeysnaa mindi ayaa la sheegay in uu dilay haweeney kamid aheyd dadka deegaanka degmada afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii la sheegay in uu soo kala dhaxgalay muran taasina ay keentay in ninka uu tuureeyo haweeneyda.
dadka degmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in haweeneyda dhaawac ahaan goobta loogu qaaday balse markii dambe ay ku ku geeriyooday mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaala degmada afgooye.
Gudoomiye ku xigeenka degmada afgooye ee Gobolka afgooye ee yuusuf maxamed moordhow oo goor dhaweyd la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in laamaha amaanka degmada afgooye ee ku howlan yihiin soo qabashada ninkii ka dambeeyay dilka haweeneyda kamid aheyd dadka deegaanka.
Falalka noocaan oo kala ah ayaa ka dhaca qaar kamid ah gobolada dalka soomaliya iyo Caasimada Magaalada Muqdisho.

