Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta Hortagaya Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaliya.

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan shiiikh Maxamuud ayaa maanta Hortagaya xildhibaanada Baarlamanka soomaliya kadib markii uu warqad codsi ah u direy Gudoonka sare ee Baarlamanka soomaliya.

Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo kulankii baarlamanka soomaliya ee shalay ka Hadlay ayaa sheegay in Gudoonka baarlamanka soomaliya uu aqbalay codsiga Madaxweynaha ee ah in uu hor yimaado xildhibaanada Baarlamanka soomaliya.

Maxamed sheikh cusmaan Jawaari Gudoomiyaha, Baarlamanka soomaliya ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay waqtiga ilaaliyaan kana soo wada qaybgalaan khudbadda la fillaayo inuu u jeediyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

La ogo waxa keenay in Madaxweynaha soomaliya xasan sheikh Maxamuud uu hortago xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya Balse warar la helayo ayaa Tilmaamaya in ay  la xiriirto Tagitaankiisa Kadib markii Mooshin laga keenay Raisul Wasaare cumar C/rashiid cali Sharmaarke, oo la sheegay in ay Xukuumadiisa ku guuldareysatay inay dalka ka hirgeliso nidaamka axsaabta badan. wallow uu Raisulwasaaraha arintaas beeniyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here