Indha Cadde:- La Wareegitaanka al-shabaab Magaalada Marka oo Qatar amni oo kusoo Wajahan Muqdisho+dhageyso

0

Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo xil kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray haatan ah siyaasi soomaliyeed ayaa ka hadlay la wareegtitaanka al-shabaab ay la wareegaan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Yuusuf Indha Cadde oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qabsashada al-shabaab Magaalada marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ay tahay Qatar amni oo kusoo wajahan  Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.

Waxa uu sheegay in al-shabaab ay yihiin kuwa qal-qal galiya dadka shacabka isagoona Tilmaamay Yuusuf indha cadde in ay ka damacsan yihiin  la wareegtitaanka kalsooni ay ka helaan shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Gen. Yuusuf Maxamd Siyaad Indha Cadde wuxuu ugu baaqay dowlada soomaliya in ay dib kaga saarto Magaalada Marka al-shabaab uu ku tilmaamay kuwa waayay kalsoonida shacabka soomaliyeed haatana raadinaya Kalsooni.

Hadalka Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa kusoo beegmaya xili al-shabaab habeenkii Labaad ay xalay ku hoydeen Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose oo sadax sano ka hor lagala wareegay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here