Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay maanta magaalada ramadi ee xarunta gobolka anbar ee dalka ciraaq.
Weerarka waxaa fuliyey 3 ruux oo isku qarxiyey bartamaha magaalada ramadi ee Gobolka anbar ee dalka ciraaq.
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen tira badan.
Weerarka ayaa lala eektay ciidanka ciraaq gaar ahaan guutada 39aad iyo 10aad xarun ay kula haayeen magaalada ramadi. ee Gobolka anbar
Ramadi oo ah magaalo istiraatiiji ah ayaa xarun u ah gobolka anbar, waxaana sanadkii dhamaaday ay ka saareen kooxda daacish.
Masuuliyada weerarka Maanta waxaa sheegtay kooxda daacish ee ciraaq ka dagaalanta iyagoona sheegay in ay ku dileen tira badan oo ciidanka ciraaq ka mid ah.

