Dowlada Kenya oo sheegtay  in ay dishay afar dagaal yahan oo alshabaab ka Tirsanaa.

0

Saraakiisha amaanka dalka  Kenya ayaa sheegay in ay dileen afar ka tirsanaa alshabaab kadib dagaal ay kula galeen hoodka boni ee xadka soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya.

Afhayeenka militriga Kenya david obenyo ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen afar dagaal yahan oo alshabaab ka tirsanaa waxaana uu sheegay in gaari ay ciidanka ka xadeen sanadkii hore daba yaaqadiisa ay la wareegeen. ciidamada Kenya.

Laamaha amaanka Kenya, waxaa ay argagaxisada kala wareegeen  qoryaha AK47 oo badan , waxyaabaha qarxa iyo sidoo kale gaari ay hory ula haayeen ciidanka sidaasi  waxaa yiri afhayeenka militriga Kenya david obonyo.

Dadka la dilay ilaa iyo hadda Kenya ma aysan shaacin magacyadooda iyo dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Alshabaab ayaa isniintii deegaankaasi boni oo ka tirsan lamu weeraray iyagoona ku dilay ugu yaraan 3 ruux. oo la sheegay in ay ahaayeen ciidamo ka Tirsan kuwa Kenya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here