Ciidamada Kenya oo Qabtay saddex baabuur oo Cuno u siday Alshabaab.

0

Dowlada Kenya waxaa ay sheegtay in saddexdaan gawaari  ay ku qorneed astaanta hay-ada Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP.

Gudoomiyaha gobolka mandera  Frederick Shisia  ayaa warbaahinta u sheegay in ciiidamada ilaalada Kenya ee xadka kusugan ay gawaaridaan ka qabteen magaalada mandera  iyagoo u socday magaalada doolow ee  soodinta soomaaliya iyo Kenya ku taala.

Guddoomiyaha Gobolka Mandheera Frederick Shisia waxaa kaloo uuu sheegay in doolow ay kooxda alshabaab ay fariisimo ku leedahay sida uu warbaahinta gudaha Kenya u sheegay guudoomiyaha mandera.

“Waxaan joojinay ilaa iyo seddex gawaari oo ay  ku qorneed astaanta WFP waxaana ciidanka baaritaano ka dib ay ku ogaadeen in raashin iskugu jira kuwa caadi ah iyo kuwa shiilan ay gawaaridaasi saarnayeen kuwaasi oo loo siday alshabab ayuu yiri gudoomiyaha mandera”.

Gudoomiyaha mandera oo talaadadaan maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in hay-ada cuna qeybinta aduunka ee qaramada midoobe ee WFP ay qabato shaqooyin waaweyn balse ay mararka qaar shabaab loo gudbiyo cunooyin qarsoodi loogu geeyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here