Maamulka Somali-land ayaa beeniyay hadal ay saxaafada baahisay oo ku aadan in Maamulka uu ku amray dad kasoo jeeda Koonfurta dalka soomaliya in muddo Todobaad ah ay iskaaga baxaan deeganada Maamulka Soomali-land.
Axmed Cabdi Jaamac, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, ee Maamulka soomali-land oo l hadlay laanta afka soomaliga ee bbc-da ayaa si kulul u beeniyay in Maamulka Gobolka Sanaag ay ku amreen dadk kasoo jeeda koonfurta dalka soomaliya in ay iskaaga baxaan Gobolka Sanaag Muddo Todobaad,
Gudoomiyaha Gobolka sanaag ee Maamulka Soomali-land waxa uu sheegay in ganacsatada kasoo jeeda Koonfur dalka soomaliya ay kala hadleen kaliyah arrimaha la xiriira amaanka iyo sidii loogu shaqeyn lahaa amaanka, Gobolka Sanaag,
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka sanaag ee Maamulka Soomali-land Axmed Cabdi Jaamac, ayaa kusoo beegmaya xili shalay ay soo baxeen warar sheegaya in Maamulka Soomali-land uu muddo Todobaad ah u qabtay dadka soo jeeda koonfurta dalka soomaliya in ay iskaaga baxaan deeganada Maamulka Soomali-land,

